“Maxay Xukuumadu Uga Aamusantahay, Somaliya Oo Dhinac Kasta Inagala Dagaalamaysa”Xildhibaan Dayib Oo ka tirsan

0
346

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in wax aad loola yaabo tahay in Xukuumadda Somaliland oo taladda dalka haysa inay ka aamusto waxa ka socda Somaliya ee ah Doorashada dadka ka soo jeeda Somaliland.

1

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaana yidhi “Somaliya waxaynu midoownay 1960-kii, waxaynu dib ula soo noqonayo xoriyadeenii 1991-kii, waxaanu hadda kala nahay laba dal oo kala madax banaan oo aan isku jirin,

Somaliya waxay joogta meel aad uga sii liidata halkii ay joogtay 1991-kii, balse inagu dhinaca walba weynu ka horumarnay, nabadeenu wey sugan tahay, Doorashooyin madax banaan oo dadkeenu wax dooranayaan ayaa inoo dhacay, Xisbiyo ayeynu yeelanay,

waxaynu leenahay Laba Gole Barlamaan, Guurti iyo Wakiilo, markaas dad halkan ka tagay oo aan wakiil ka ahayn ama matalin Degmo,

Gobol, Tuulo iyo Magaalo ka mid ah Somaliland ayey yidhaahdeen Somaliland ayuu matala, dhinaca kastana wey inagala dagaalamaysa, iyadoo sidaasi jirtana waxaan aad ula yaabay sababta ay ilaa hadda Xukuumadda Somaliland ee iyadu dalka ka masuulka ah inay ka aamusto, maaha inay ka aamusnaato, ee waxa socda Somaliya ha ka hadasho, oo Caalamka ha ka dacweyso”.

Xigasho Wargayska Geeska Africa