Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL, waxa ay ka garnaqday dacwad Dastuuri ah, oo ka dhexeysay Golaha Wakiillada JSL iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL,

0
16
Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL, waxa ay ka garnaqday dacwad Dastuuri ah, oo ka dhexeysay Golaha Wakiillada JSL iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL, taasi oo nuxurkeedu ku qotomay xadhiga xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada JSL.
Kadib markii Maxkamaddu u cuskatay asbaabta hoos ku xusan, waxay ay qaraarisay.
1. Waxay aqbashay arjiga summadiisu tahay GW/G/10/267/2024 ee ku taariikhaysan 24/09/2024, ujeeddadiisuna ahayd furasho dacwad dastuuri ah oo ku saabsan xadhiga xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada, Maxkamadda Dastuuriga ahna ay u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada JSL.
2. Waxay diidday jawaabcelinta summaddeedu tahay XIG/JSL/432/2024 ee ku taariikhaysan 29/09/2024 ee uu Maxkamadda Dastuuriga ah u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL.
3. Waxay qaraarisay in xabsi ku haynta mudane Maxamed Abiib Yuusuf ay tahay sharci-darro maadaama Golaha Wakiillada JSL cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa si waafaqsan Qodobka 79aad iyo Qodobka 49aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka JSL.
4. Waxay xorriyaddiisa u celisay Mudane Maxamed Abiib Yuusuf waxaana la farayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL in uu xabsiga ka siidaayo isla maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024.
5. Waxa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Qaranka JSL in ay Dastuurka Dalka u hogaansamaan oo ixtiraamaan.
6. Qaraarkan waxa loo cuskaday Qodobada 49, 79, 97, 98 ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 66 XHC.
7. Qaraarkani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024.