Maxkamadda Gobolka Gabiley ayaa xukuno ku ridey 6 Eedaysane oo lala xidhiidhiyey Shil dhawaan ka dhacay Deegaanka Carro-yaambo ee gobolka Gabiley, kaas oo saddex gaadhi

0
119
Maxkamadda Gobolka Gabiley ayaa xukuno ku ridey 6 Eedaysane oo lala xidhiidhiyey Shil dhawaan ka dhacay Deegaanka Carro-yaambo ee gobolka Gabiley, kaas oo saddex gaadhi ku jiidheen hal qof,dabadeed baxsadeen.
Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jirey Cali Cabdi Muxumed, waxaana dambiilayaashan la helay, kadib baadhitaano ay sameeyeen ciidamadu ayna kusoo qabteen 6-daas eedaysane, kuwaas oo maanta lagu xukumey xabsi u dhaxeeya 6 Bilood ilaa 1 Sano. saddexda gaadhi ee shilkan gaystay ayaa kala ahaa Laba Booyadoo iyo Gaadhi Dhayne ah.
Labada Booyadood oo shilka koowaad gaystay ayaa iyagu baxsaday halka gaadhiga Dhaynaha ah oo ahaa ka saddexaad ee shilka qaybta ka ahaa uu isagu joogay goobta shilka oo aanu baxsan laakiin uu qariyey sida ay dhibtu u dhacday sida ay sheegeen Xafiiska Xeer-ilaalinta iyo taliska ciidanka nabadgaliyada gobolka Gabiley.