Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI Oo Bari Ku Soo Gurya Noqon Doona Dalka Kadib Markii Uu Soo Gutay Waajibaadka Xajka

0
324

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa 25-kii bishii hore ee August waxa uu socdaal ugu baxay dalka Sucuudiga si uu usoo guto cibaadada iyo waajibaadka xajka, waxaana safarkaasi Gudoomiyaha ku wehelinayey wiilkiisa Maxamed Cabdiraxmaan.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hor intaanu Socdaalka Gudashada Waajibaadka Xajka aanu u bixin, wuxuu si taariikhi ah u sii dhammeeyay oo uga odayeeyay khilaafkii cakirnaa ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Waxaana la filayaa in marka uu maalinta barito ah uu dalka ku soo noqdo Musharax Cabdiraxmaan Ciro inuu si dhakhso ah u gudo galo hawlaha xisbiga, maadaama oo mudo yar oo kooban ay ka hadhsan tahay doorashada Madaxtooyada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka bisha November ee sanadkan 2017-ka.