Musharax Ciro Oo Xalay Guuro Ku Soo Galay Hargeysa , Saaka-na Ka Jarmaadey +Halka uu u jarmaadey

0
309

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ):- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro Iyo waftigii uu hogaaminaayey ayaa waxaa ay  habeenkii xalay ahaa safar guure ah ku soo galeen  magaalada Hargeysa .

Waftiga musharaxa ayaa xalay ka soo hoyday gobalada galbeedka Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyey waftigani ku sugnaa , Musharax Ciro iyo Waftigii uu hogaaminaayey ayaa isla saaka-ba ka baxay magaalada Hargeysa iyaga oo ku sii jeeda magaalada Berbera halkaas oo ay kaga qeyb gali doonan xaflad balaadhan oo saaka Berbera loogu qaban doono siyaasi Cabdale Sandheere Maayarkii hore ee Berbera oo dhawaan shaaciyey in uu ku biiray xisbiga Waddani