Musharax Cirro oo booqasho ku tagay Taliska ciidanka qaranka ee OOG

0
6
Musharax Cirro oo booqasho ku tagay Taliska ciidanka qaranka ee OOG.
Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo gudoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa booqasho ku tagay taliska ciidanka Qaranka Somaliland ee magaalada OOG .
Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka Jeneraal Cali Barre ayaa Musharaxa ku soo dhaweeyey taliska .
Musharax Cirro iyo Saraakiisha ciidanka Qaranka ayaa xarunta taliska ku yeeshay shir albaabadu u xidhan yahiin , waxaana taliyayaashu musharaxa siiyeen warbixin kooban oo ku saabsan shaqadooda .
Musharax Cirro ayaa Taliyaha ciidanka qaranka ee Aaga bari ku wareejiyey deeq sooryo ah oo uu ugu talo galay ciidanka Jiida hore ku sugan deeqdan oo aheyd 100 neef oo adhi ah iyo 32 neef oo geel ah.