Qareenka u doodaya duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa sheegay in lagu tuntay xuquuqdA dastuuriga ah ee Fu’aad.
Duuliyaha wuxuu ka tirsanaa ciidammada cirka ee dalka Jabuuti kaas oo muddo isbuucyo ah ku xiran dalkaas.
Hadalka garyaqaan Zakariye Cabdullaahi ayaa imaanaya ka dib markii Telefishiinka Qaranka Jabuuti ee RTD, laga baahiyay muuqaal muujinaya xubno ka socda guddiga xaquuqul Insaanka dalkaasi oo xabsiga ku booqday isla markaana wareysanaya duuliye Fu’aad Yuusuf Cali.
Muqaalkaas ayuu Fu’aad ku sheegay in xabsiga aanan wax dhibaato ah loogu geysan, hadalkaa oo ka duwan muuqaal uu horey u soo duubay oo uu ku sheegay in “suuli lagu xiray lana jirdilay.”
Fu’aad wareysiga RTD ay la yeelatay muxuu ka sheegay?
Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ku xiran xabsi ku yaallada magaalada Jabuuti waxaa xabsiga ku booqday koox la sheegay iney ka socdaan xuquuqal insaanka Jabuuti, sidoo kalana waxaa maxbuuska wareysi la yeeshay warbaahinta afka dowladda Jabuuti ku hadasha ee RTD.
“Xabsiga marka la i geeyey go’ yar ayaa la i siiyey intaan xabsiga ku jirayna lugaha ayaa i googo’ay, waadna arki kareysaan waxaan u baahanahay dhakhtar maqaar oo jirkeyga eega, la ilama hadlin, reerkeyga inaan la hadlo la iima ooggoleyn oo aan irahdo Gabood baan ku jiraa oo dadkeyga waa i doondoonayaan, taleefan waa la ii diiday”, ayuu ku yiri muuqaalka.
“Waxaan leeyahay nabarro ka dhashay xasaasiyad. Hadda ka hor wey igu dhaceen oo waan ka bogsaday laakiin hadda markaan halkaan soo galay ayey igu soo noqdeen, maamulka xabsiga waan u sheegay oo waxaan ku idhi waxaan u baahanahay dhakhtar… war ilaahey ka baqo oo dhakhtar ii dira ayaan ku dhahay.