Qabashada Eedaysane Gaadhi Kala Soo Baxsaday Aabbihii Magaalada Burco.

0
19
Qabashada Eedaysane Gaadhi Kala Soo Baxsaday Aabbihii Magaalada Burco.
Ciidanka Booliska JSL ayaa galabnimadii shalay gacanta kusoo dhigay gaadhi uu wiil kala soo baxay aabbihii, kaasi oo laga qabtay waddada Labada Boqol ee duleedka magaalada Hargeysa. Gaadhigan ayaa si sharci-darro ah looga soo kaxeeyay magaalada Burco oo noociisu yahay “Vitz” .
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu beeninayaa wararka sheegaya in xabaddi ku dhacday eedaysanaha intii lagu guda jiray qabashadiisa. Gaadhiga oo uu lahaa aabbihii eedaysanaha, ayaa kasoo socda magaalada Burco, waana lagu wareejin doonaa.
Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland waxaannu faraynaa in ay ka taxadaraan wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo baraha bulshada , waxaanan ku boorinaynaa in xogaha rasmiga ah laga sugo hay’adaha Amniga.