Hargeysa(CN)Culays dhanka nolosha ah ayaa ka jira guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, ka dib markii Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ahi aad sare ugu kacday.
Guud ahaan Raashinka ayaa Magaalooyinka dalka Qiimihiisu aad sare uga kacay, taasi oo dhibaato ku noqonaysa Dadka danyarta ah ee aan awoodin inay culayskaa Qaabilaan.
Wargeyska Geeska Afrika oo u kuur-galay korodhka Qiimaha Raashinka ku yimid, ayaa ogaaday in faraq aad u badan u dhexeeyo Qiimaha cusub iyo Qiimihii hore.
Mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa, ayaa u sheegay Wargeyska in Raashinka dalka dibeddiisa ka yimaadda ka sakow uu kordhay qiimaha waxa gudaha Somaliland laga soo saaro.
“Shay walba oo aanu iibino sare ayey u kaceen, iska daa wax dibedda inooga yimaadda’e ee xittaa waxaa sare u kacay qiimaha waxyaabaha dalkeena laga soo saaro.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Hargeysa, waxaanu intaa ju daray “Waxyaabaha sare u kacay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka mid ah Bariiska, oo gadbadda waxaanu siin jirnay 24 dollar, haddana waxaanu siinaynaa 30 dollar, daqiiqda oo aanu siin jirnay 21 dollar, hadda waxaanu siinaynaa 24 ilaa 25 dollar, Sonkorta oo aanu siin jirnay 23 dollar, hadda waxay maraysaa 26, 27 illaa 28 dollar, Saliidaha noocyadeeda kala duwan iyana waxaa ku kordhay qiime, oo tusaale ahaan saliidaha qaarkood oo jirikaankii joogay 18 dollar, hadda waxaa la siinayaa 28 dollar oo 10 dollar ayaa ku kordhay, Baastada iyana qiimaheedii wax baa ku kordhay, oo kartoonkii 6 dollar ahaa hadda wuxuu marayaa 8 dollar..”
Xigasho: Geeska