Shaqadii Dekeda Berbera Oo Taagan Maalintii Todobaad iyo sabata keentay halkan ka akhri
Berbera (Ceelgardinews.com) Shirada maamusha dekeda berbera D.P.World iyo ganacsada alaabta dekeda kala soo degta waxa soo kala dhexgalay khilaaf sababay in ganacsadu alaabtoodi cashuuran waayan oo mudo todoba cisho ah alaabtoodi barxada dekeda Taalo .khilaafkaasi waxa keenay qodobada hoos ku qoran
Ilaa malintii ay qabsadee D.P.W Dekeda Berbera maamulkeeda markasta waxa ay kor u kac samaynayeen handling ka dekeda ee laga qaado ganacsatada(Alaabta Dekeda Kala Soo Degta )
Hada waxa ay soo kordhiyeen in ay kala wareegaan
masuuliyadii wakiilada containersku hayeen ee ahayd in ganacsadaha looga jaro sealin ka ma moorka(lingaxa) kaasi oo uu qaybkayahaymaamulaha kastamkuna
. Waxa ay sealingkaa ka dhigeen per container $5 taasi oo ku dhib ah ganacsatada containerska badan saaraya
maamulaha kastamkuna. Waxa ay sealingkaa ka dhigeen per container $5 taasi oo ku dhib ah ganacsatada containerska badan saaraya
Mudadii ay shirkada D.P.World maamulka dekeda gacanta ku haysay waxa jiray khilaafyo badan oo soo kala dhexgalay kuwaasi oo ku sahabsanaa habka shaqada oo inta badan ay saluugi jireen ganacsadu ,waxa kale oo jiray in marar hore sidan oo kale adeegyada ay lacagta ku qabato shirkada D.P.PWorld kodhisay “
Muranadaasi hore u soo dhacay waxa intoodi badnayd xukumadii hore madaxwayne silaanyo ee maamulka dekeda berbera ku wareejisay shirkada d.p.wolrd ku soo dhamayn jirtay sulux iyo cid waliba wax ka tanaasusho
Hadab waxa laga wada dhursugi doona murankan cusub ee la kowsaday xukumada bilowga ah go,aanka uu ka qaato madaxwayne muuse biixi cabdi
Warkan waxa shabada Ceelgardiews.com u xaqiijyay xubno ka mid ah ganacsada dekeda alaabta kala soo dega