Shirweynaha Ururka Saxaafadda Somaliland iyo Abaalmarinta Cawke, oo uu soo qabanqaabiyey ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Hargeysa.
Shirweynaha, ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxda Dawladda, Xildhibbaano ka tirsan Baarlamaanka, Xisbiyada Qaranka, Saxaafadda Somaliland, iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan.
Shirkan oo sanad walba la qabto ayaa lagu eegaa horumarada dhinaca Saxaafadda Somaliland, caqabadihii ay soo waajaheen iyo weli ba kaalinta ay ku lee yihiin dib u dhiska dawladninada iyo horumarka Somaliland.
Ururka SOLJA, ayaa sidoo kale halkaas ku soo bandhigay warbixino la xidhiidha xadhig loo gaystay Saxaafadda iyo tacadiyada ay la kulmaan, iyada oo taa bedelkeeda na ay Xukuumaddu sheegtay inay aad uga xun tahay wixii dhibbaato ah ee xaggeeda ka soo gaadha Saxaafadda.
Dhinaca kale, Abaal marinta Cawke Awad, ayaa iyadu na qeyb ka ah shirweynaha taas oo lagu abaalmariyo saxafiyiinta ku guulaysta tartanka dhinaca warbixinaha la xidhiidha arrimaha bulshada.



















