Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu aad uga walaacsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin suxufiyiinta Somaliland

0
77
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu aad uga walaacsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin suxufiyiinta Somaliland. Lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2025 oo keliya, in ka badan 15 suxufi ayaa la xidhay, hal xarun warbaahineedna waxa lagala noqday ruqsadii. Cadaadiska haysta iyo cabsida laga qabo in la xidho oo sii kordhaysa awgeed, waxa isaguna dalka ka baxay Guddoomiyihii hore ee SOLJA.
Hadaba, Ururka SOLJA waxa uu halkan ku baahinayaa warbixinta kiisaska saxaafadda ee lixdii bilood ee hore ee sanadkan 2025. fadlan lifaaqan ka akhri: 👉bit.ly/3ItmpVa