Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay aqoon-is-weydaarsi ujeedadiisu ahayd xoojinta

0
33

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay aqoon-is-weydaarsi ujeedadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka iyo isfahamka u dhexeeya suxufiyiinta iyo Hay’adaha amniga gaar ahaan Booliiska, waxaana ka qayb galay 30 xubnood oo isugu jira Suxufiyiinta ka hawl gala magaalada Hargeysa iyo Saraakiil ka tirsan Booliiska Jamhuuriyada Somaliland.

intii uu socday aqoon is-waydaarsigu waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dhisi lahaa kalsooni buuxda, wada-shaqayn iyo is-ixtiraam dhexmara labada dhinac si meesha looga saaro xadhiga saxaafadda ee soo noqnoqda.

Xidhiidhka ka dhaxeeya suxufiyiinta iyo hay’adaha amniga Somaliland oo inta badan aan luga adag ku taagnayn ayaa keenay inay korodho tirada suxufiyiinta la xidhay horraantii sanadkan. ururka SOLJA oo taa ka duulaya ayaa soo qaban qaabiyey kulankan oo daba socday kulama is daba joog ah oo ka dhacay Gobolada Dalka intooda badan,
kuwaasi oo ujeedadoodu ay ahayd sidii xal waara looga gaadhi lahaa is faham la’aanta iyo kalsooni darada labada dhinac ee keentay in xadhig sharci-darro ah lagula kaco Suxufiyiinta.