Waa kuma weriyaha sannad ka hor xabsi ku dhex dhintay oo haatan qoyskiisa ogaadeen

0
362

Milateriga Cameroon ayaa waxa uu gaashaanka u daruuray eedo ah in weriye Samuel Wazizi uu u dhintay jirdil xabsiga loogu gaystay.

Bayaan uu ku saxiixan yahay afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga dalkaas, ayaa waxa uu ku sheegay in Wazizi uu u geeriyooday xaalad adag oo ka dhalatay difaaca jirkiisa oo isla isagii waxyeelaysay, laba todobaad kaddib markii la soo xiray.

Milateriga ayaa sidoo kale ku eedaynaya inuu ku lug lahaa arrimo argagixiso.

Warbixintaasi militariga ayaa ku soo beegmeyso xilli suxufiyiinta dalkaasi Cameroon ay ku hanjabeen shaqo joojin ay uga ashtakoonayaan geerida suxufigaasi oo ay sheegeen in la jirdilay oo uu arrintaasi u dhintay.

Qareenkka u doodayay Sam Wazizi ayaa sheegaya in suxufigaasi loo diiday in uu la xiriiro ama uu booqdo tan iyo markii la soo xiray 3-dii bishii Agosto ee sanadkii la soo dhaafay.