Waa kuwee magaalooyinka aduunka ee aan “Habeeyn kii laga seexan

0
189
  • Waa kuwee magaalooyinka aduunka ee aan “Habeeyn kii laga seexan

Badanaa caasimadaha iyo magaalooyinka marka habeenkii la gaaro waa firaaqo, sababtoo ah dadka badankooda ayaa hurda, dhaq dhaqaaqa badankiisna waa uu istaaga.

Balse waxaa jiro magaalooyin laga soo tooso xilligii la seexan lahaa ama aysan dadkeedu seexanin oo habeenka u yahay sida maalinka.

Waxa la sheegayaa in hormarka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ay magaalooyiinkaas ka dhiga kuwo laga soo jeedo habeenkii oo dadkeeda ay shaqeeyaan.

Walaaca ayaa ah in hadii magaalada laga soo jeedo habeenkii oo dhan uu faraha ka baxayo buuqa Traffic iyo isticmaalka daroogada.

Waa kuwan qaar ka mid ah magaalooyiinkaas ee laga soo jeedo habeenkii oo dhan, sida laga soo xigtay diiwaanka dhawaan la soo saaray oo lagu daraaseeyey magaalooyinka caalamka ee 24 ka saac laga soo jeedo oo magaalada London ka gashay kaalinta 17-aad halka Paris ay ka gashay kaalinta 18-aad.