Wafti ka socda Baarlamaanka Sweden oo booqday Dekeda Berbera

0
17
Wafti ka socda Baarlamaanka Sweden oo booqday Dekeda Berbera
Dekedda Berbera ayaa maanta martigelisay wafti ballaadhan oo ka socda Baarlamaanka Sweden, kuwaas oo uu hoggaaminayo Safiirka Somaliland ee Sweden. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada sii kordhaya ee dalalka caalamka ay ku doonayaan inay xiriir iyo iskaashi toos ah la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Waftiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, iyo Duqa Degmada Berbera, Mudane Cabdishakuur Cidin. Inta lagu jiray kulanka, ayaa Maareeyuhu waftiga uga warbixiyay horumarka ballaaran ee ay dekeddu ku tallaabsatay, mashaariicda socda, iyo fursadaha maalgashi ee ay marsadu bixiso, maadaama ay tahay mid ka mid ah dekedaha ugu istaraatiijisan gobolka Geeska Afrika.
Xubnaha waftiga Sweden ayaa muujiyay xiisaha iyo rabitaanka ay u qabaan in ay Somaliland la yeeshaan iskaashi wax-ku-ool ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Masuuliyiinta Somaliland ee qaabilay waftiga, oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Hay’adda Dekedaha, Duqa Berbera, iyo saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa uga mahadceliyay booqashada iyo danaynta ay muujiyeen. Waxay sidoo kale xuseen in Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi ku dhisan ixtiraam, daahfurnaan, iyo dan-wadaag labada dhinac ah.
Booqashadan ayaa astaan u ah xiisaha sii kordhaya ee ay dalalka caalamku u qabaan xidhiidhka iyo iskaashiga ay la yeeshaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga.