War Deg Deg Ah ”Xoghayihii Dalxiiska Xisbiga Waddani Cali Cismaan Xuseen(Cali Guray)Oo Hada Iskacasilay Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbigaas

0
313

Burco ( Ceelgardinews.com ) -Xoghayihii Dalxiiska Xisbiga Waddani Cali Cismaan Xuseen(Cali Guray) ayaa Qoraal uu Hada soo dhigay Bartiisa Facebooka shaaciyay inuu Xilkii iyo Xubinimadii uu Xisbigaas Iskacasilay isaga oo masuulkani sheegay inuu shirjaraaid oo uu saacadaha soo socda qaban doono ku faahfaahin doono sababta keentay inuu Xisbigaas iska huleelo xiligan xaaladaha siyaasadeed ee xasaasiga ahi taagan yihiin.

Masuulkan xilka sare ka hayay xisbiga waddani ayaa noqonaya masuulkii labaad ee miisaan culus kulahaa xisbiga wadani kana soo jeeday Gobolka Saaxil ee mudo 24 saacadood gudohood iska casila Xisbigaas iyaoo maalintii shalayna uu Xisbigaas iskacasilay Siyaasiga Ruugcadaaga ah ee Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo lagu majeerto inuu yahay Xisbiyahan khabiira iscasilaadaha Masuuliyiinta Magaca leh ayaa kusoo beegmaya Xili ay kaabiga soo saaran tahay Doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo mudo laba bilood ka yari ka hadhsantahay.

Mar aanu La xidhiidhnay Masuulkan xilka sare ka hayay Xisbiga waddani ee iscasilay si aanu sababaha keenay iscasilaadiisa wax uga weydiino ayaa waxa uu ku gaabsaday inuu kulan saxaafadeed balaadhan oo uu ku faahfaahinayo iscasilaadiisa uu saacadaha soo socda qaban doono.