WAR-SAXAAFADEED. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah.

0
23
WAR-SAXAAFADEED.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah.
Hargeysa-30-12-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo uu weheliyo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay madaxda Ururrada Bulshada Rayodka ah.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horeyn Madaxda Ururrada Rayidka ah uga mahadnaqay la kulankooda, isaga oo hoosta ka xariiqay doorka shariifka ah ee ay Ururrada Bulshada Rayidka ahi ku leeyihiin horumarka Qaranka, faafinta magaca togan ee Somaliland iyo Raadinta Iictiraafka.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxda Ururada Bulshada Rayidka ah u cadeeyey in ay xukuumadiisu si dhaw ugala shaqeyn doonto arrimaha muhimadda iyo mudnaanta u leh Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Ururrada Bulshada Rayidka ah u sheegay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay mar walba ixtiraamayso Xuquuqaha Aas-aasiga ah ee uu Dastuurka Qaranku siiyey Muwaadiniinta Somaliland, ciddii Xukuumadiisa dhaliishaana aanay kala kulmi doonin xadhig, cabudhin iyo cagajugleyn.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah kula dardaarmay in ay sii laban laabaan doorka ay ku leeyihiin wacyi-gelinta garaadka iyo aragtida bulshada, la dagaallanka Qabyaaladda iyo Takoorka.
Dhinacooda Ururrada Bulshada Rayidku waxay si weyn uga mahadnaqeen in Madaxweynuhu muddo kooban kaga ajiibay codsigii ay soo gudbiyeen ee ahaa inay la kulmaaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ahi waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin in ay Xukuumadda cusub kala shaqayn doonaan hawlaha baaxadda leh ee hor yaala Qaranka, haddii ay tahay xag amni, xag dhaqaale iyo xaga wacyigelinta iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale, Ururrada Bulshada Rayidka ah waxay Madaxweynaha uga mahadnaqeen matelaada xagga Siyaasadda ee beelaha gabooye, taasoo ay Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku suntan tahay 34 sano ka bacdi Xukuumaddii ugu horeysay ee Beelaha gabooye siisa Wasiir buuxa oo ah “A”; waxayna soo jeediyeen in la sameeyo isla markaana la dhaqan geliyo Xeerka Xakameynta hayb sooca.
Geesta kale, Ururrada Bulshada Rayidka ah waxay Madaxweynaha ku ammaaneen in Madaxweynuhu Haweenka Xukuumadiisa ka siiyey xilal mihiim ah, taasoo ay sheegeen in ay ku timid garashada Madaxweynaha balse aanay ku imanin codsi Haweenka ka yimid wixii kale-na ay uga fadhiyaan. Kulankaasina wuxuu ku soo mid ku soo af-meermay guul iyo is-af-garad.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.