War-Saxaafadeed: Shir Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

0
7
War-Saxaafadeed: Shir Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE
Taariikh: 07/07/2025
Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE ayaa maanta yeeshay shir ballaadhan oo socday saacado badan, kaas oo si qoto dheer looga dooday arrimo muhiim ah oo khuseeya xaaladda dalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga.
Shirka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ayaa lagu lafo-guray qodobbada hoos ku xusan:
1. Xaaladda Guud ee Dalka:
Guddiga Fulinta wuxuu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho ee dalka, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la adkeeyo wada-jirka iyo xasilloonida dalka si loo dardargeliyo horumarka.
2. Hawlaha Horyaalla Xisbiga:
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qabanqaabada Shirweynaha 5aad ee Xisbiga KULMIYE, oo ah mid muhiim u ah hannaanka dimuqraadiyadeed iyo horumarinta xisbiga. Guddigu wuxuu ammaanay dadaallada socday iyo diyaar garowga xubnaha xisbiga ee ku aaddan shirweynaha, isagoo ku baaqay in la xoojiyo isu-duwidda iyo wada-shaqaynta heerarka kala duwan ee xisbiga.
Ugu dambayn, Guddiga Fulinta wuxuu caddeeyay in Xisbiga KULMIYE ka go’an tahay ilaalinta danta guud ee dalka, hirgelinta dimuqraadiyadda, iyo u diyaar garowga doorashooyinka soo socda si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.