Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025 ee Guddiga Maraykanka u qaabilsan la socodka Shiinaha ayaa hoosta ka xariiiqday korodhka muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo la xusay in dalku uu noqday mid soo jiidanaya xiisaha iyo tartanka awoodaha waaweyn.
Warbixintu waxay tilmaantay in baaqyada Maraykanka iyo Taiwan ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland ay kordhiyeen culayska istaraatiijiga ah ee dalka, iyadoo lagu qiimeeyay xasilloonidiisa, dhaqaalihiisa kobcaya, iyo xeebtiisa muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood caalami ah oo istaraatiiji u ah awoodaha dunida.
Waxa kale oo warbixinta sannadlaha ee guddida Maraykanka u qaabilsan la socodka Shiinuhu muujisay in xidhiidhka sii xoogaystay ee Somaliland iyo Taiwan, gaar ahaan iskaashiga badda, uu noqday halbeeg cusub oo caddeynaya in Somaliland ay sii yeellanayso miisaan diblomaasiyadeed iyo amni oo koraya.
Dhanka kale, Shiinaha ayaa warbixintu ku tilmaamay inuu qaaday tallaabooyin looga gol leeyahay wiiqista Somaliland, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya iyo xayiraada Taiwan, taas oo muujinaysa in Somaliland ay ka dhex muuqato tartanka juqraafi-siyaasadeed ee ugu kulul dunida.
Warbixintu waxay caddeysay in Somaliland ay noqotay xarun istaraatiiji ah oo muhiim u ah siyaasadda, amniga iyo tartanka caalamiga ah ee khayraadka, taas oo sii kordhinaysa qiimaha ay u leedahay awoodaha dunida sida Maraykanka iyo , Shiinaha.



















