Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta si rasmi ah uga furtay magaalada Borama Tababarka Hirgelinta Habka Isku-dhafan ee Dabagalka iyo Ka Jawaabista

0
90
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta si rasmi ah uga furtay magaalada Borama Tababarka Hirgelinta Habka Isku-dhafan ee Dabagalka iyo Ka Jawaabista Cudurrada (IDSRS), kaas oo ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha caafimaadka si ay si hufan, degdeg ah, oo waxtar leh uga jawaabaan xaaladaha degdega ah ee la xidhiidha cudurada faafa.
Tababarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah, ayaa ah mid muhiim u ah tayeynta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan kor u qaadidda awoodda shaqaalaha caafimaadka ee goobaha Caafimaadka.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Awdal, Agaasimaha cubsitaalka Boorama, masuuliyiin ka socotay xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee gobolka Awdal kuwaas oo ka mid noqon doona ka qaybgalayaasha tababarkan muhiimka ah.
Mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la helo shaqaale caafimaad oo leh xirfad iyo aqoon ku filan si ay si degdeg ah ugu falceliyaan marka uu cudur dillaaco, iyagoo sidoo kale xusay in nidaamka IDSRS uu yahay hab casri ah oo la jaan qaadaya siyaasadaha caafimaadka ee caalamiga ah.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa mar walba u taagan horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, iyadoo mudnaanta siinaysa xoojinta dabagalka cudurrada, kor u qaadidda wacyiga shaqaalaha, iyo la socodka xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.