Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee heer qaran iyo heer gobol, oo kaashanaysa Taiwan ICDF iyo Bisha Cas, ayaa wacyigelin caafimaad ka fulinaysa deegannada gubanka iyo xeebaha ee Gobolka Sanaag.

0
2
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee heer qaran iyo heer gobol, oo kaashanaysa Taiwan ICDF iyo Bisha Cas, ayaa wacyigelin caafimaad ka fulinaysa deegannada gubanka iyo xeebaha ee Gobolka Sanaag.
Wacyigelintani ayaa diiradda saaraysaa xanuunka beerka/beeryarta (Sumbay) ama Leishmaniasis, oo ah xanuun halis badan oo sannad walba sababa dhimashada carruur badan.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Wasaaraddu ay adeegyo caafimaad iyo barnaamijyo xakameynta cudurrada faafa ka fuliso deegaannadaas fog-fog.
Inta aan la billaabin hawsha, Isu’duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Sanaag, masuuliyiin ka socday Taiwan ICDF, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka heer qaran, iyo maamulka Cisbitaalka Ceerigaabo ayaa kooxdii loo dirayey goobahaas u jeediyey fariimo muhiim ah oo ku saabsan qaabka wacyigelinta iyo xakamaynta xanuunka.