Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay qiimayn iyo dib-u-eegis lagu sameeyey kala badhka Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad, gaar ahaan wadaagaha waxbarashada iyo mudnaantiisa.
Kulankan ayaa qayb ka ah geeddi-socodka dib-u-eegista guud ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad, kaas oo lagu qiimeynayo heerka uu marayo hirgelinta QHQ 3aad, si loo ogaado guulaha la gaadhay, caqabadaha jira, iyo meelaha u baahan dib-u-habayn si mudnaanta loo siiyo.
Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo kaashanaysa wasaaradaha iyo hay’adaha ku midaysan wadaagaha waxbarashada.