Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday i

0
4
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay laashay ruqsadihii macdanta ee afar shirkadood, kadib markii ay ku guuldarreysteen fulinta waajibaadkii iyo shuruudihii lagu siiyay.
Go’aankan waxaa lagu saleeyay Xeerka Macdanta Somaliland (Xeer No. 100/2023), waxaana lagu caddeeyay in shirkadahan aanay ka jawaabin wareegtadii cusboonaysiinta ruqsadaha ee dhacday.
Shirkadaha ruqsadaha laga noqday ayaa kala ah shirkada A.Y.A Tawfiiq , shirkada Neo Global Mining Industry iyo shirkada Kilomas Mining Company iyi sidoo kale shirkada Yas Minerals Company
War-saxaafadeedka lagu shaaciyay go’aankan waxaa soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland.