Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in la dhimay qiimaha laydhka dhammaan magaalooyinka dalka, taasi oo ah tallaabo weyn oo lagu yareynayo culayska nolosha ee bulshada.
Sida uu dhigayo go’aanka cusub ee wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdantu soo saaray, qiimaha laydhka ee magaalooyinka Somaliland ayaa laga dhigay 0.59 cent halkii unit, halka magaalada Berbera uu noqonayo 0.20 cent halkii unit.
Go’aankan cusub ayaa dhaqan gelaya 1-da December ee sannadkan 2025, kaasi oo qayb ka ah ballanqaadyadii ololaha doorashada ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo shacabka u ballanqaaday in uu yareyn doono kharashaadka tamarta iyo in la helo adeeg koronto oo jaban.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid istiraatiiji ah oo kor u qaadaysa koboca dhaqaalaha, warshadaha, iyo nolosha shacabka, isla markaana ay sii wadi doonaan qorshayaal lagu ballaadhinayo helitaanka tamar la awoodi karo oo waarta.



















