Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Siilanyo Oo Qoyskiisa Degenaansho Uga Raadinaya Dalka Sweden Ee Qaaradda Yurub

0
291

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ):- Waxaa indhawayd isa soo tarayay wararka sheegaya in wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdillaahi Habane uu degenaansho ka raadsanayo dalka Sweden ee qaaradda Yurub.

Wararkan oo markii hore laga soo xiganayay shakhsiyaad ka tirsan wasaaradda ayaa sheegayay in wasiirku carruurtiisa iyo xaaskiisa u qal-qaalinayo ku noolaanshaha dalka Sweden, waxaase shakigaasi xoogaystay kadib markii wasiirku dhawaan uu socdaal ugu baxay qaaradda Yurub.

Image result for Wasiir Cabdilaahi Ibraahim Habane

 Wasiir Cabdillaahi Dheere oo ay weheliso xaaskiisu ayaa gaadhay qaaradda Yurub isla markaana waxaa halkaas ku soo dhaweeyey xubno reer Somaliland ah oo ku lebisan calanka KULMIYE.

Lama sheegin wax shaqo ah oo uu wasiirku u tagay qaaradda Yurub, waxaana ay taasi xoogga saaraysaa wararka la xidhiidha inuu wasiirku doonayo inuu qoyskiisa dalka ka tabaabulsheeyo.

Tirada wasiirrada iyo masuuliyiinta xukuumadda ee qoysaskoodu dalka dibadiisa ku noolyihiin ayaan tiro ahan la qiyaasi karin, waxaanay u baahan tahay tiro koob rasmi ah oo lagu sameeyo, waxase ay arrimahani xaqiijinayaan heerka madaxda dalku ka taagan yihiin aaminka dalka.