Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta kormeeray garoonka kubadda koleyga ee Timacadde Stadium.
Kormeerka waxaa ku wehelinayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, iyo qaar kale.
Wuxuu sheegay in mashruucani qayb ka yahay horumarinta ciyaaraha, gaar ahaan kubadda koleyga, iyada oo la dhisayo qaybo cusub oo sare u qaadi doona tayada iyo adeegga garoonka.