Wasiir Milgo oo golaha guurtida u soo bandhigtay warbixin ku saabsan shaqooyinka wasaaradda iyo Adeegyada Bulshada.

0
1
Wasiir Milgo oo golaha guurtida u soo bandhigtay warbixin ku saabsan shaqooyinka wasaaradda iyo Adeegyada Bulshada.
Wasiirka wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska JSL, Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe), ayaa maanta warbixin qoto dheer ka siisay guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida shaqada wasaaraddu u hayso Qaranka iyo bulshada.
Wasiirku waxa ay ka warbixisay, guulaha iyo horumarka ay wasaaraddu ka gaadhay adeegyada bulshada, mashaariicdii u qabsoomay iyo adeegyada gaarka ah ee ay u fidiyaan bulshada nugul, daryeelka caruurta aan hoyga lahayn iyo tallaabooyinka socda ee lagu ilaalinayo xuquuqdooda iyo qorsheyaasha mustaqbalka, gaar ahaan sidii loo ballaadhin lahaa adeegyada bulshada iyo taageerada qoysaska danyarta ah.
Intaa kaddib, Wasiir Milgo ayaa mid mid uga jawaabtay su’aalo ay xildhibaanadu ka weydiiyeen hawlaha wasaaradda, adeeg-bixinta iyo mashaariicda socda.