Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdale Maxamed Carab iyo weftigii uu hogaaminayay oo ku sugan Gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Borama,
Ayaa caawa shir ku saabsan Nabadgelyada Gobolka kula yeeshay Guddida Nabadgelyada Gobolka Awdal.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, iyo Weftiga Safarka Ku Wehelinaya ayaa warbixinta Amniga Gobolka ka dhagaystay guddida Nabadgyada Gobolka, halkaas oo Masuuliyiintu sheegeen in Amniga Gobolku xasiloon yahay, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ka jirta waqti xaadirkan, marka laga reebo dembiyada sida caadiga ah u dhaca,kuwaas oo ay ka hawl galaan laamaha amniga ee u qaabilsan.
Sido kale wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, iyo weftiga ku wehelinaya Safarka ayaa dhagaystay warbixin ku saabsan shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Borama, oo aanay jirin cid ay dhibaato ka soo gaadhay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa masuuliyiinta Maamulka Gobolka, ka degmada Borama iyo Laamaha Amaanka ee Gobolka ku amaanay sida fiican ee ay u wada shaqeeyaan, iyo sida qiimaha leh ee ay ugu adeegaan Shacabka,
waxanu wasiirku Masuuliyiinta ku booriyay in ay sii Laban laaban shaqada ay u hayaan Shacabka, lagana shaqeeyo Horumarka Gobolka Awdal.
Shirka Caawa waxa goob joog ka ahaa:
1:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
2.Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha
3. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta
4. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha
5. Wasiir ku xigeenka Dib u dejinta
6. Wasiir ku xigeenka Beeraha
7. Agaasimaha Guud ee Hay’ada shaqaalaha Dawlada
8. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada
9. Maareeyaha Guud ee Hay’ada Horumarinta Wadooyinka
10. Gudoomiyaha Gobolka Saaxil
11. La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha.
Iyo xubno kale oo ka tirsan xukumada.