Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa Gudoomiyay shir lagaga hadlayay sidii loo adkayn lahaa Amniga, loona dardar gelin lahaa

0
9

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa Gudoomiyay shir lagaga hadlayay sidii loo adkayn lahaa Amniga, loona dardar gelin lahaa Amniga Caasimada. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen.
1. Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex
2. Maayor ku-xigeenka Caasimada Hargeysa.
3. Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa.
4. Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka Booliska
5. Taliyayaasha qaybaha Booliska ee Bariga iyo Galbeedka Hargeysa.
6: Guddiyada Nabadgalyada Caasimada.
Waxa lagu lafo guray sidii loo dardar gelin lahaa Amniga Guud ee Caasimada isla markaana loo xoojin lahaa Guddiyada Amniga ee Degmooyinka iyo Xaafadaha Caasimada Hargeysa. Sido kale waxa shirkan lagu booriyay Masuuliyiinta Kala duwan ee Caasimada iyo Madaxda Laamaha amaanka ee Caasimadu ay u joogtayn lahaayeen shirarka lagu xoojinaayo wada shaqaynta dhexdooda ah, si sare loogu qaado Amniga Guud ee Caasimada Hargeysa.
Masuuliyiinta Caasimada,Gobolka Maroodi-Jeex iyo Madaxda Ciidanka Booliska ee maanta ka qayb galay shirkaas ayaa dhamaantood isla qaatay in ay la dardar geliyo,sarena loo qaado Amniga Caasimada.