Wasiirka Wasaaradda horumarinta biyaha ee Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa kormeer ku tegay Wakaaladda Biyaha ee Berbera.

0
300

Wasiirka Wasaaradda horumarinta biyaha ee Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa kormeer ku tegay Wakaaladda Biyaha ee degmada Berbera.

Wasiirka ayaa soo kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Wakaaladda Biyaha ee degmada Berbera, isagoo halkaasi warbixinno kaga dhegaystay agaasime waaxeeyda iyo shaqaalaha wakaaladda biyaha ee degmada berbera.

Maareeyaha Wakaaladda biyaha ee degmada Berbera Saleebaan Cabdiraxmaan Loolyo iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Abokor Bile Isaxaaq ayaa sheegay in wakaaladdu ay shaqo ballaadhan u qabato magaalada Berbera, isla mar ahaantaana 30 sanno oo ay hadda jirto ay marayso meeshii ugu fiicnayd, iyadoo adeegga biyaha u fidisa guud ahaan magaalada.

Wasiirka Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa ku dhiirgeliyay shaqaalaha shaqada halwkarka leh ee ay u hayaan bulshada, isagoo tilmaamay in wasaarad ahaan ay og yihiin shaqadooda, isagoo ku booriyay in markasta ay niyadda geliyaan inay u shaqaynayaan bulshadooda iyo dalkooda, oo ay ugu adkaystaan culeys kasta oo ku soo mara shaqada.