Wasiirka Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Marwo Milgo Maxamed Cilmi ( Sanbalooshe), ayna wehelinayaan wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta kulan la qaatay shaqaale waynaha wasaaradda.

0
7

Kulanka wasiirka oo daarana qodobo dhawr ah kalana ahaa.
Ilaalinta saacadaha shaqada, iyada oo lagu dhaqmaayo wareegtadii madaxwaynaha dalka, iyo wareegtadi hay adda shaqaalaha dawlada.
Dardar gelinta shaqada wasaaradda iyo sidii shaqaaluhu si hagar la,aana ugu shaqayn laha qaranka, Iyo isbarasho guud.
Dhanka kale intii kulankaasi socday wasiirku waxay mid mid u dhegaysatay tala bixintii iyo aragtiyihii shaqaalaha.
Ugu danbayna wasiirku waxay goobta ka balan qaaday inay shaqaale waynaha wasaaradda u cadaalad samaynayso isla mar ahaantaana shaqaalaha lagula xisaabtamayo hanaanka shaqo, karti iyo wixii xeerka shaqaaluhu qabo