Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Eng. Axmed Jaamac Barre, oo uu weheliyo wasiirka maalgashiga Somaliland ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socday shirkadda weyn ee Arab-African Economy oo laga leeyahay dalka Sucuudi Carabiya, kana kooban Dr. Ahmed H. Alattas, Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda iyo Maalgashiga shirkadda, Dr. Wajdi Saed, Xoghayaha Guud ee shirkadda iyo La taliyaha guddoomiyaha golaha sare Hani Hassan iyo 6 xubnood oo kale.
Weftigu waxa ay u yimaadeen Somaliland si ay u maalgashadaan khayraadka dalka, gaar ahaan shidaalka iyo macdanta.
Wasiirku wuxu weftiga siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan fursadaha maalgashi ee dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida Somaliland u soo dhawaynayso maalgashiga caalamiga ah iyo muhiimadda uu koboca maalgashiga khayraadka dabiiciga ahi u leeyahay horumarka dalka.
Ugu dambayn, shirkaddu waxay muujisay in ay si gaar ah u xiisaynayso maalgashiga macdanta iyo shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.