Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo uu weheliyay agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa ka qaybgalay kulan lagu soo bandhigayay waxqabadki

0
3
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo uu weheliyay agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa ka qaybgalay kulan lagu soo bandhigayay waxqabadkii 12ka waaxood ee wasaaradda Warfaafinta u hirgalay lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Qorshaynta iyo siyaasadda ee Wasaaradda Warfaafinta, waxa lagu soo bandhigay waxyaabaha ka hirgalay qorshihii lix biloodka ahaa ee wasaaraddu astaysatay sannadkan 2025ka, qoddobada aan qabsoomin iyo wixii caqabado ah ee ka horyimid qorshahaas.
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Jaamac Cawil Nuux, ayaa tafaasiil ka bixiyay natiijada ka dhalatay baadhis iyo xog ururin ay ku sameeyeen waxqabadka laga doonayay waax kasta qorsheyaasheedii lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaanu sheegay in la isla lafo-guray waxqabadkii wasaaradda u tisqaaday iyo wixii caqabad jirayba.
Sidoo kale madaxa qaybta sitaasaddaha Faysal Cabdirashiud Aadan ayaa sharraxay marxaladihii ay soo martay isku soo duboridka qorshahan iyo diyaarintiisiiba. Waxaanu ku baaqay in waax waliba ay ku dedaasho ku xisaabta qorshahooda sannadlaha ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), ayaa u mahadceliyay 12ka waaxood ee wasaaraddu ka kooban tahay dedaalka ay muujiyeen iyo sida ay u fuliyeen inta badan qorsheyaashii laga doonayay inay gaadhaan. Agaasimuhu wuxuu ammaanay waaxda qorshaynta oo dedaal gelisay xog ururinta ay isku soo dubo-rideen ee ay la wadaageen madaxda Wasaaradda. Waxaanu tilmaamay in wasaarad ahaan ay u hagar baxeen wax ka qabashada baahiyaha wasaaradda intii awooda dhaqaale ay suurtogalka ka dhigtay.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa bogaadiyay dedaalka shaqo ee waaxaha wasaaradda oo uu xusay in inta badan ay waaxuhu ka soo baxeen qorsheyaashii lix biloodkii u dambeeyay. Wasiir Axmed-yaasiin wuxuu caddeeyay in Wasaaradda warfaafintu ay hadda wixii ka dambeeya qiimeyn doonto qorsheyaasheeda saddex bilood kasta.
Wasiirka Warfaafintu wuxuu intaas ku daray in ay ka go’an tahay in meelmarinta qorsheyaasha muhiimka ah ee wasaaradda u dejisan, iyadoo laga duulayo duruufaha dhaqaale ee dalka.