Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socota Hay’adda DT Global, xafiiskooda Hargeysa. Kulanka waxaa lagu lafa-guray sidii Hay’adda DT Global iyo Wasaaradda Warfaafintu isaga kaashan lahaayeen arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac.
Dhanka kale, waxaa kulanka Wasiirka ku wehelinayay mas’uuliyiinta kala ah; agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdisalaan Maxamuud Ducaale, agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mudane Jaamac Cawil Nuux, agaasimaha Waaxda Dhaqanka Mudane Maxamed Xasan Cali (Weji) iyo lataliyaha gaarka ah ee Wasiirka Mudane Cabdifataax Yaasiin Ismaaciil



















