Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer miyiga ee JSL, mudane Cumar Shuceyb Maxamed ayaa sheegay in la samaynayo deked cusub oo gaar u noqonaysa dhoofka xoolaha ee Somaliland, sidoo kalena aan loo baahnayn in ay kala fogaadaan Maxjaradaha iyo Dekedaas cusub.
Wasiirka oo kullan la qaatey maanta Dhakhaatiirta Dhoofka Xoolaha iyo shaqaalaha wasaaradda ee gobolka Saaxil ayaa sidoo kale xusay in dhoofka xooluhu kaalin uu ugu jiro Somaliland, sidoo kalena loo baahan yahay in ay Maxjaradaha ku yaala Berbera ay noqdaan kuwo bixiya adeegyo isku mid ah dhan walba si aanay u dhicin kala duwanaasho adeeg
“Wadanka oodhan innaga ayaa u shaqaynayna, haddii xoolahaas istaagaan Somaliland qayb weyn ayaa maqan. Dhoofka xooluhu waa qaybta u muhiimsan ee wasaaradduna ay ku xidhan tahay, waana in Maxjaradu isku mid ahaan dhan adeeg iyo talaal mid kasteba. Dekeda cusub ee dhoofka xoolaha loo rarayo loo samaynayaa maaha inay ka fogaato maxjarada iyo dekeda loogu talo galay dhoofka xooluhu “Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL



















