Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL mudane Cumar Shuceyb Maxamed

0
1
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL mudane Cumar Shuceyb Maxamed ayaa maanta kormeer ku tagay mashruuca Calafka Xoolaha oo tijaabadiisi ugu horeysay maanta soo go’day, kaas oo dhawaan la hirgaliyey. Wasiirka ayaana sheegay in qorshaha wasaaraddiisu ay tahay in ay daboosho baahida calafka xoolaha si looga gaashaanto abaaraha soo noqnoqday ee xoolo badan ku leedeen.
“Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad qorshaheedu waxa weeye sanad walba isla xisaabtan ayaa jira, Wasaarad walba waxay soo saartey ayaa la doonayaa, annaguna ka wasaarad ahaan waxaan doonaynaa in Calafka Xoolaha aan kasoo saarno Banka Wajaale. In Calafka aan soo saarno oo aan noqono waddan calafkiisa ka shaqaynaya aadbay muhiim u tahay, reer Gabiley iyo Wajaale na waxaan aamisanay 200 sanno ka hor waxa loo soo doonan jiray calafka oo ay soo saari jireen”Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL