Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha JSL oo la shiray Wefti ka socday Baanka horumarinta Jarmalka ee KFW.
KFW, ayaa ka mid ah Baananka Caalamiga ah ee Wasaaradda Beeraha JSL la leh wada-shaqaynta la xidhiidha Horumarinta wax soo-saarka Beeraha.
Shirka madaxda Wasaaradda Beeruhu la yeesheen weftiga ka socday Baanka Horumarinta Jarmalka, waxa kale oo goob-joog ka ahaa xubno ka mid ah khuburrada Wasaaradda horumarinta Beeraha.