Waxaan ka mid ahay dadka u heelan in Berbera looga faaiideeyo taariikhda dahabiga ah ee ay la gaarka noqotay. “Barada Jacaylka qawmiyadda Soomaaliyeed.”
Waa halka sheekh iyo shariifba ku midaysanyihiin inay leedahay taariikh run ah iyo jacaylkii Cilmi Boodhari.
Markaa waxa aan soo jeedinlahaa:
– Ha la badiyo muuqaalada ka turjumaya xaruntii Jacaylka geeska inay Berberi u taagantahay.
– Ha loo abaabulo matxaf lagu uruurinayo wixii la hayo ee maansooyinkii, taariikhdii iyo waayihii Cilmi Liibaan iyo jacaylkii Hodan.
– Maamulka Gobolka iyo D/Hoose ba ha iska kaashadaan barnaamij kor loogu qaadayo dalxiiska gudaha.
Taasoo la abuurayo wax wal oo ku soo dhiirinaya inay dad badan soo booqdaan Berbera.
– Maalin go’an oo la xusayo ha loo sameeyo jacaylkii Boodhari, hana lagu beego waqtiga qaboobaha ah si dad badano gobolada ah ay uga soo qaybgalaan.
– Moofadii Boodhari ha laga dhigo matxafka, dadka lehna ha loogu bedelo dhul munaasib ku ah oo wata dhismayaal.
Cabdikariin Aadan Cadde