Xeerka Saxaafaddu waa Xalka Caqabadaha Warbaahinta Somaliland Guddoomiyaha Ururka saxaafadda Somaliland

0
7
Xeerka Saxaafaddu waa Xalka Caqabadaha Warbaahinta Somaliland
Guddoomiyaha Ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa maanta ka qayb galay kulan ballaadhan oo lagaga hadlayey sidii loo xoojin lahaa ololaha lagu meel marinayo Xeerka Saxaafadda oo haatan horyaalla Golaha Wakiillada.
Kulankan waxaa soo qabanqaabiyey Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka, waxaana kasoo qayb galay daneeyeyaasha xeerkan oo ay kamid yihiin Wasaaradda Warfaafinta, ururrada saxaafadda iyo ururrada xuquuqul insaanka ee dalka.
Guddoomiyaha SOLJA, Mudane Shaafici Maxamed Ibraahim, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xeerka Saxaafadda Somaliland uu yahay xalka kaliya ee lagu xallin karo caqabadaha hortaagan warbaahinta. Wuxuu tilmaamay in Golaha Wakiilladu ay masuuliyad qaran ka saaran tahay ansixinta xeerkan, kaas oo aasaas u noqonaya Komishanka Warbaahinta Qaranka isla markaana sugaya xuquuqda suxufiyiinta iyo madaxbannaanida warbaahinta.
Waxa uu intaasi racaiyey in ay ka SOLJA ahaan ay xoogga saarayaan sidii ay golaha wakiilada iyo Guddida arrimaha bulshada ay ugala shaqayn lahaayeen dardar galinta iyo sidii uu u soo bixi lahaa xeer ka turjumaya baahida warbahinta, si loo helo jawi ka turjumaya madaxbanaanida iyo xuquuqda aasaasiga ah ee saxaafadda iyo muwaadiniintaba.