Xidig Helay Godkiisii
Hay’adda Barakacayaasha iyo ka hortaga qaxoontigu waxay leedahay gaadiid fara badan oo hawlo shaqo qabta, gaadiidka marka ay soo dhammeeyaan shaqada waxay ku xaroodaan goobta loogu talogalay, kuwaas oo aan gaadhi qudhi dibada uga bixin wakhtiyadda shaqada ka dib.
Tallaabadan ayaa ah tallaabo ku yar Hay’addaha dawlada waanna masuulkii koowaad ee Telefoonkiisa ku qora boodh ah “Muwaadin fadlan haddaad aragto gaadhigan oo socda wixii ka dambeeya 3:00 galabimo fadlan ku soo wargeli numberadan” taasi oo sababtay in gaadhikastaa ku jiro Parkingga Hay’adda marka shaqadu dhammaato korna u qaadaysa masuuliyadiisa shaqo iyo ilaalinta shaqoba.
Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga iyo barakacaayasha Mr. Cabdkariin Xinif oo hawshan ku hellay shahaado sharaf kaga timi wasiirka horumarinta jidadka iyo gaadiidka iyo shaqsiyaad kaleba.
Guddoomiye Mr Cabdikariin Mr. xinif ayaa maalmihii u dambeeyay ahaa masuul caawinayay bulsho kala duwan oo lagu baahiyey baraha Bulshadda, waanna masuul naxariis iyo ildheergaradnimo leh marka xagga siyaasadda laga hadlayana wuxuu leeyahay han fog oo ah hoggaamin iyo hiiraal fog oo siyaasaddeed oo aynu mar un maqli doono.
Masuulka ilaaliya hantida qaranka, masuulka caawiya inta baahan ee daryeelka iyo gurmadka u baahan waa masuulka aynu u baahan nahay maanta marka xaqiiqda laga hadlayo ma waxa weeye ma ninka gaadiidkii u quudhi waayay dayac ayaa bulsho iyo shaqo u quudhaya dayac jawaabtu waa maya!.
Intii aan arkayay wuxuu Guddoomiye
Abdulkariim Mohamed
Xinif ka shaqeeyay arrimo badan oo bulsho, kuwo siyaasadeed iyo kuwo horumarineed oo kala duwan wuxuuna u qalmaa in loo aqoonsado Guddoomiyihii waxqabadka iyo caawinta Bulshadda ee sanadkan.
Like
Comment
Share