Xil wareejinti Raga iyo xukun la wareegii Dumarka.

0
428

Xil wareejinti Raga iyo xukun la wareegii Dumarka.

Doorashadii Dagaaladu Komishinka ka ahaayeen Duruufuhuna Goobjoogayaasha.

Markii ay dagaalada ba.an ka qarxeen Somalia guud ahaan dhamaadkii qarnigii 20.aad ee ay meel walba colaadu gaadhay ee uu inan rag go.adoonka noqday meel uu joogaba ee uu nin waliba dhaafi waayay deegaankiisa iyo tuulada reerkoodu dego oo nin walibi intuu ubadkii afka ku qaaday uu berkadii aabihii la dul tegay.

Ee uu Nina u talaabi kari waayay tuulada ku xigta tuuladooda ama uu tegi kari waayay ee ay godobta iyo aanada guud dadka kala qoqobtay ayaa waxa halkan isasoo taagtay noloshii oo u baahan tacab iyo wax soosaarkii dakhliga xaga dhaqaalaha sidookalena waxa istaagay gebi ahaanba isusocdkii Iyo ganacsigii oo dabcan ah tiirka nolosha labaad ee nolosha uu ay ka horeeyo uun amnigu oo ay colaaduhu ay meesha ka saareen sida xaqiiqada ahna Reerna iskuma fila ee noloshu way isku tiirsantahay dadkuna wuu isu wada baahyahay

Hadaba noloshii sidaa ahayd markay colaadihii meesha ka saareen ayaa inan rag waxay ka dhigtay mid aan geedkaa aan gaadhi karin sida la wada yaqaanana waxa qoyska nafaqadiisa iyo biilkiisa ka masuul ah oo ay diinteena suubani ku waajibisay ninka hadaba markuu ninkii meela u dhaqaaqi waayay ayaa waxa lagama maarmaan noqotay in qawtul daruurigii la helo .

Hadaba markii ay arimihii sidaa isu wada sudhmeen ayaa ragii kii inyar oo lacaga la qaxay iyo kii islaantiisu inyaroo Dahab ah la qaxdayba wuxuu u dhiibay xaaskiisii oo uu kuyidhi naa bal orod adigaan cidina ku dilaynine inoogu shaqee intan yar Anigu caruurta ayaan sii haynayaaye dabeedna waata islaantiina halkan haf Iyo balaw tidhi ee boorso garabka gashatay ee gaadhi wayn shidhka hore is xooday. ee xilkii tirsatay.

Dee haba ka qaban ilaa ay gaadhay inay raga qaar shaarishaarida isuugu faano halkii berigii hore ay Dumarku isugu faani jireen odaygaygu bada ayuu ku maqanyahay iyo sucuudiga ayuu ku maqanyahay iyo wakaalad heblaayo ayuu ka shaqeeyaa hal mar ayuun baa ragii xilkii ay tiriyeen dabeedna waxay noqotay Doorashadii Dagaaladu qabteen ee ay Komishinka ka noqdeen Duruufuhuna Goobjoogayaasha ka ahaayeen hadaba maadaaba imika dunidu nabad tahay oo laysu wada socon karo waxaan leeyahay waa mudo dhaaf mudo xileedkaasiye Beesha caalamku hasoo farageliso waar miyaanay ahayn dee

W/Q Sacad Cali Kaahin Balaaki