Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Dhawaan Hargeysa Timid Oo Uu Ingiriisku Ku Haysto Lacagtii Ay Ku Safraysay Oo Tuhun Galay Iyo wagaysada ingiriiska wax kan qoray

0
367

Mss. Diane Abbott, oo markaas ay Hargeysa timid ahayd xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska, haddana ah xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbigaas, ayaa waxa uu wargeyska Telegraph, ee dalkaas ka soo baxaa uu shalay baahiyay in haweenaydan lagu haysto inay lacag ka qaadatay si ay ugu safarto ururada samo-falka ee Islaamiga ah ee dalka Ingiriiska oo laga joojiyay inay wax lacag ah ka qaataan dawladda Ingiriiska, ka db markii baadhitaano la sameeyay lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin ururada Xamaas iyo Akhwaanul Muslimiinka Masar iyo weliba inaanay si wanaagsan u gudan shaqooyinka lagula heshiiyay inay qabtaan.

Ms. Abbot, ayaa wargeyska Telegraph u sheegtay inay ururadan ka qaadatay lacag dhan 5000 oo ah lacagta Ingiriiska oo isugu jirtay kharashaadkii ay diyaaradda ku soo raacday iyo arrimo kale.

Ms. Abbot, waxa ay iyadoo arrintan uga waramaysa wargeyskan ay tidhi, “Bishii April ee sannadkan, waxaan booqday Somaliland anoo ah xoghayaha horumarinta caalamiga ah, si aan indhahayga ugu soo arko saamaynta abaarta. Muu ahayn urur keliya, waxase ay ahayd dalad ay ku midoobeen 10 urur oo Muslim ah oo ka shaqeeya 71 dal oo dunida ah, isuna geeyay lacag dhan 150 milyan oo lacagta Ingiriiska ah.” ayay tidhi, waxaanay intaas raacisay, “Weligay lama shaqayn ururada xag jirka ah.”

Ururadan samo-falka Ingiriiska ee Islaamiga ah ayaa iyaguna iska difaacay eedda loo soo jeediyay, waxaanay sheegeen inaanay ahayn xag jir ee ay u hoggaansanyihiin shuruucda iyo mabaa’diida dimuqraadiyadda.

Afhayeen u hadlay ururkan ayaa isna wargeyska isagoo u waramaya wuxuu yidhi “Diane Abbot waxa ay noo raacday booqasho ay xubnahayagu ku tageen Somaliland si aanu wacyigelin uga samayno saamaynta ay abaartu ku yeelatay Somaliland iyo Somaliya.”

Xildhibaanadan iyo ururadii ay horkacaysay ayaa waxa ay markii ay Hargeysa yimaadeen kulamo la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisa

Xigasho Geeska Africa