Hargeysa(Ceelagrdineqws.com)-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la sheegay in uu isku koobay kala gurista iyo Xulista Xubnaha iyo Maamulka Gudiyadda Ololaha Xisbiga Waddani ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka taas oo Saameyn ku yeelatey Geedi socodka u diyaar garowga loolanka Doorashadda ee fooda inaku soo haya. Kaadiriyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Gobolada iyo Degmooyinka dalka gaar ahaana Xusbiyahanadii hore ee Xisbiga ayaa siweyn uga Walaacsan talo maroorsiga iyo faragalinta Hogaamiyaha Wadani ku sameynayo Xubnaha Gudida ololaha Xisbiga oo sabab u noqotey dib udhaca ku yimid Ku dhawaaqistii Gudidaasi inkastoo ay muuqato in aaney habayaraatee jirin rajo ay ka qabaan Xubnaha doonaya in ay ololaha Wadani hormuud ka noqdaan in Laga furfuro qeybo badan oo ka mid ah Gobolada iyo Degmooyinka marka laga Reebo Gobolka Hawd iyo Degmada Axmed Dhagax oo kali ah oo uu iyaga faraha uga qaadey Siyaasiyiinta iyo Xubnaha Xisbiga ee halkaa kasoo jeeda.
Ku dhawaaqista Xubnaha Gudiyada ololaha Xisbiga Wadani Gobolada iyo Degmooyinka ee Doorashada soo Socota oo Todobaadyadan la filayo in ay soo baxdo ayaa Xubno badan oo Siyaasiyiin katirsan Xisbigu Walaac xoog leh ka qabaan in ay dildilaac iyo burbur ku keento Wadani iyadoo geesta kalena daaha ka feydeysa in Talada iyo Go.aanada Xisbigu badi gacanta ugu jiraan Hogaamiyaha oo uu hogaansan yahey Murashax Ciro oo aan Wax Saamey ah ku laheyn Xisbiga uu ku tartamayo.
Sidoo kalena Waxa ku lamaan fashilaadan Tabashooyinka is daba jooga ah Beesha Bariga Burco ka qabaan in ay wali baadi doon u yihiin cida codka ka dooneysa khusuusana Murashaxa jagada Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro iyo Beeshiisa.