Xisbiga KULMIYE oo Go’aamiyey Hawlaha Qabsoomidda Shirweynihiisa
Hargeysa – 10/06/2025 – (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Shir ay isugu yimaadeen Hoggaanka xisbiga KULMIYE, xubnaha Guddiga Fulinta iyo qaar ka mid ah haldoorka xisbiga xarunta dhexe ee caasimadda Hargeysa, ayaa lagu go’aamiyey hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga.
Shirkan oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen dhammaan xubnaha hoggaanka, kuna saabsanaa u diyaargarowga shirweynaha xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan bisha October oo sannadkan 2025, waxa doodo dhaadheer oo laga yeeshay kadib lagu afgartay in la gudo-galo hawlaha qabanqaabada shirweynaha oo ay ugu horrayso magacaabista iyo ansixinta Guddiga Qabanqaabada shirweynaha.
Faahfaahinta warka shirkan la soco goordhaw.