Dawlada Hoose ee hargeisa oo 5 Sano jirsatay ayaa waxaa soo maray 6 xooghaye oo jagooyinka xoghayaha dawlada hoose soo qabtay.
Cali Xasan cawaale oo ah Xoghayihii ugu dambeeyay ee xilka qabtay sanadkii hore badhtankiisii ayaa noqday Xoghayihii ugu waxqabadka badnaa sidoo kalena si dhaba u dhaqaajiyay hawlqabadkii shaqada dawlada hoose oo fadhiid ahaa in mudo ah.
Xoghaye cali xasan cawaale ayaa noqday Xoghaye Waxqabad lagu majiirtay wuxuuna soo celiyay kalsoonidii dawlada hoose ee shacabku ka qabeen ee lunsanayd intii aanu xilka qaban.
Xoghaye Cali xasan Cawaale oo lagu naanayso Cali Nageeye ahna Aqoonyahan ka baxay Jaamacadaha dalka ayaa dhisay Badi wadooyinka dawlada hoose iyo dayactirka Wadooyinkii hore u dayacnaa.
Iyadoo dawlada hoose noqotay intii uu xilka hayay xili shaqeedkii ay ugu waxqabadka badnayd iyadoo xadhiga ka jartay wadooyin badan oo 16 gaadhaya sidoo kalena laydhadhka cadceeda ku shaqeeya ku xidhay wadooyinka ugu muhiimsan caasimada hargeisa.
Xoghaye cali xasan cawaale ayaa ku guulaystay dhamaystirka wadada Airportka iyo Dhisida wadada Adna Aadan hor marta sidoo kale wuxuu dhamaystiray wadada jaamacada hargeisa oo baahi wayn ay u qabeen ardayda jaamacadu.
Xoghaye cali xasan cawaale ayaa intii uu xilka hayay ku guulaystay shahaado sharafyo badan wuxuuna noqday Xoghayihii u horeeyay ee Madaxwayne siilaanyo Gudoonsiiyo Abaalmarin waxqabadkiisa la xidhiidha.
Cali Xasan cawaale oo ah nin shaqo ayaa wuxuu xafiiska soo galaa 6da subaxnimo isagoo xili dambe ka rawaxa waxaana aad ugu diirsaday bulshadii danaha shaqo ka lahayd dawlada hoose oo inta badan caqabado kala kulmi jiray Xoghaye yaashii dawlada hoose ee ka horeeyay.
Isku soo wada duubo qofka waxqabadkii iyo shaqadii loo doortay ka soo baxay wuxuu mudan yahay in loo mahadnaqo sidoo kalena la dhiiri galiyo si uu hawsha qaranka halkaa ka wado.