Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeisa oo Xili Habeenimo ah Si Toos ah ugala Qayb-Qaatay Shaqaalaha D.Hoose Dhismaha Wadada Faarax Joome ee Badhtamaha Hargeisa+ Sawiro

0
443

Xooghayaha Dawlada Hoose ee hargeisa Mudane Cali Xasan Cawaale ayaa abaaaro 11:30 habeenimo kormeer ku soo maray waddo shaaraca hargeisa hor marta oo xili habeenimo ah shaqaalaha dawlada hoose wadaan.

Hadal dareen masuuliyadeednimo ka muuqato oo xoghaye cali xasan cawaale ku baahiyay bartiisa facebook ayaa u dhignaa sidan

“Saacadu waa 11.30 habeenimo , goobtani waa wadooyinka shaaraca magaalada hargeisa ama suuqa dhexe. gaar ahaan agagaarka fooqa loo yaqaan ilma farah joome.

sidaa aad arkaysaan waxa halkan ka socota shaqo waxa ku sugan shaqaalihii iyo gaadiidkii dawlada hoose ee hargeisa kuwas oo shaqada dhismaha wadadan wada isla markana shaqada soo galay 6. subaxnimo ee saaka.

Waxaan aad ugu faraxsanahay anigoo ah xoghayihii d.hoose ee hargeisa in aan saacadan kala qaybqaato shaqaalaha d.hoose ee hargeysa shaqadan oo ah xaadhista iyo shaqada kale ee ka socota wadadan taas oo bari subax hadii Rabi idmo la dhigi doono laamaydii rooga ahayd.

Wa arrin muhiim ah in masuulku uu dareen iyo hawlba la wadaago shaqaalihiisa sidoo kale waxay u tahay shaqaalaha dhiiri galin iyo in ay dareemaan in masuulkoodu oghayahay hawsha baxada leh ee ay hayaan kuna barbartaaganyahay.

Ugu Dambayn Xooghaye Cali wuxuu ku amaanay shaqaale waynaha dawlada hoose gaar ahaan hawlwadeenada gacanta ku haya shaqada hada socota doorka horumarineed ee ay bulshada ugu jiraan iyo sida ay ugu hagarbaxayaan dadkooda iyo dalkooda

Waa Xooghayihii u horeeyay ee Dawlada hoose ee hargeisa oo xili habeenimo ah oon shaqadii waajibka ahayd jirin u soo baxay dardargalinta hawlaha ay gacanta ku hayaan.

Halkan Ka Daawo Sawirada