Xukumada Somaliland oo Aqbashay Doonistii Ganacsatada Fasaxdayna Shaqadii Dekeda Berbera ee Taagnayd 3 Maalmood.
Kulan saaka dhexmaray Ganacsatada Somaliland Iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa go.aan lagu gaadhay in wax waliba sidoodii usocda Lana joojiyo Xafiiskii kaarinimo ay soo Samaysteen qeybo Kamida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo kasoo kala jeeda Xisbiyada isbaahaysiga ee Wadani iyo Kaah oo Gacan ka helaya Wasiirka Wasarada Gaadiidka Cismaan Afgaab,
Xafiiskan ayaa ladul dhigay Xafiiskii Iskaadhatada Gaadiidka ee Tawfiiq Shaqadii uu qaban jirayna la wareegay waana xafiiska keenay inay Ganacsatadu shaqo joojin sameeyaan iyagoo Diidan Xildhibaanada kaarinimada usoo Qaashaartay.
Maanta galinka dambe ayaa la filayaa inay dib ufuranto shaqadii Dekeda iyo Badeecadihii ay Cashuurtooda joojiyeen Ganacsatadu.
Warkan waxa noo xajiiyay Xubno katitsan Ganacsatada ee kulanka ka qeyb gashay.



















