Hargeysa
( Ceelgardinews.com)- Madaxweynaha Cusub Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sidda ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay waxa uu ganafka ku dhuftay gabi ahaanbana joojiyay Heshiiskii Saldhiga military ee magaalada Berbera.
Warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa wasaaradda arrimaha dibbadu u dirtay dalka imaaraatka carabta taasoo Madaxweynuhu kaga noqday heshiiskii labada gole baarlamaan sida khasabka lagu jiidhsiiyey ee sharciga iyo xeerarka dalka uyaalana aan waafaqsanayn.
Dhanka kale sidda xogahani tibaaxayaan waxaa lagu wargeliyy shirkaddo dhismayaal hawshaasi ku saabsan ka waday madaaarka Berbera iyo xeeliga bada ee ku beegan madaarka diyaaradaha Berbera oo dekeda ciidan laga sameynaayay inay joojiyaan oo ay faraha ka qaadaan hawshaas.
Ilaa Hada War rasmiya xukumada Madaxweyne Muuse Biixi cabdi kamay soo saarin joojinta saldhigan Ciidan hase yeeshee Maalmaha soo socda waxa la filayaa in Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si cad uga hadasho joojinta Mashruucaas uu lacagta malaayiinka Dollar ah sifaha sharcidarada ah ee boobka ah ugu qaatay wiilka Madaxweynihii hore ee Somaliland Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan oo sheegta inuu yahay wakiilka Somaliland ee dalka isutaga imiraatka carabta