Eelkii aad ka tagtay ayaan weli aagna looga gudbin. Sidii lagaa weriyey dad iyo dal toonna kaama ay dambeyn.

0
436

Eelkii aad ka tagtay ayaan weli aagna looga gudbin. Sidii lagaa weriyey dad iyo dal toonna kaama ay dambeyn.

Marka laga reebo kaarjebin iyo kufaa-kacyo meelaha qaar laga tijaabiyey oo weli si fiican u hanaqaadi la’ waxa la wada mutay shufbeel.

Meel walba waxa ka muuqda rogmasho. Cidaan duubiyada naafo noqon deelka laga waa.

Haddii la iskaa dayn laa dulmigay ku tarantoo shaw boqol baa kugu daba jirey oo dawacooyinkaa badnaa!

Dhicistaadu ma noqon dhimbiilo wax shida ee dhiilladu waa dhullaax abuurtay ee aasnaa oo maalinba meel ka milil dillaacaya.

Xaalku weli waa “ayax teg eelna reeb!”

Waa agaraadam 28 sannadood ka dib. Rejo se lagama dhuyaalin.

26 January 1991 – 26 January 2019.

Soomaali Alle ferej ha u furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here